Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qunsuliyadda Shiinaha ee Karachi oo la weeraray


Rag hubeysan ayaa maanta weeraray qunsuliyadda uu Shiinaha ku leeyahay magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada booliska Pakistan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, kaddib marki uu iska hor-imaad hubeysani ku dhexmaray dableyda weerartay qunsuliyadda iyo ciidamada amaanka.

Ikram Sehgal oo maamule ka ah shirkad maamusha qeybta amaanka ee qunsuliyadda Shiinaha ee magaalada Karachi ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo weerarka kasoo gaaray shaqaalaha Shiinaha ee jooga qunsuliyadda.

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in qof naftii hure ah uu isku qarxiyay albaabka laga galo qunsuliyadda kadibna ay laba nin oo hubeysani isku dayeen in ay gudaha u galaan xarunta qunsuliyada.

Wuxuu sheegay in weerarkaasi ay fashiliyeen ciidamada ammaanka oo dilay dableydi weerarka soo qaadday.

Koox gooni u gaasad ah oo ka dagaalanta gobolka Baluchistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Kooxdan ayaa ka careysan mashaariic uu Shiinaha ka wado gobolkaasi.

XS
SM
MD
LG