Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo nabaddoon ku gowracay Beled-Xaawo


Shabaab
Shabaab

Degmada Beled Xaawo waxaa maanta lagu aasay mid ka mid ah nabad-doonada degmadaasi ugu caansanaa oo xalay ay dileen kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay gurigiisa ku weerareen.

Nabad-doonka la dilay oo magaciisa la yiraahdo Dhaqane Qaasim Amiin ayaa waxaa lagu dilay meel u dhow gurigiisa.

Afhayeenka Golaha Guurtida ee Degmada Beled Xaawo, nabad-doon Idiris Aaden Nuur (Gaaroodi) ayaa VOA-da u sheegay in nabad-doon Dhaqane la gowracay kadibna la qarxiyay gurigiisa.

Caasho Ibrahim oo khadka telefoonka ee Beled-Xaawo kula xiriirtay nabad-doon Gaaroodi ayaa ugu horreyn weydiisay goorta uu dilku dhacay.

Al-Shabaab oo nabaddoon ku gowracay Beled-Xaawo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:01 0:00

XS
SM
MD
LG