Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsade lagu dilay Boosaaso iyo dad la dhawaacay


Boosaaso
Boosaaso

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa saaka waaberigii waxay suuqa magaaladda Boosaaso ku dileen Axmed Cali Nuur (Dalqo) oo xisaabiye ka ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Saabir oo xarun ganacsi ku leh magaaladda Boosaaso.

Weerarkaas oo ka dhacay gudaha suuqa weyn, ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex qof oo kale oo midi ay haween tahay, kuwaasoo ka mid ahaa ganacsatada ka xoogsata suuqa magaaladda Boosaaso.

Dadkii dhaawaca uu soo gaaray ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee magaaladda Boosaaso, iyadoo aad looga dayrinayo dhaawaca nin ka mid ahaa dadkii weerarkaas ku dhaawacmay.

Bishii la soo dhaafay ayaa kooxo hubeysani waxay weerareen dhismaha shirkadda Saabir, mana jirin wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay.

Dilka Xisaabiyihii shirkadda Saabir ee maanta ka dhacay magaaladda Boosaaso ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo fiidnimadii xalay ay koox hubeysan dhaawac ugu geysteen magaaladda Boosaaso Siciid Cabdi Muumin, oo ka mid ahaa Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Puntland.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkii xalay lagu dhaawacay Garsooraha Maxkamada Sare, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada amaanka oo ay uga hadlayaan dhacdooyinka dilka iyo dhaawaca ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaaladda Boosaaso.

XS
SM
MD
LG