Magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga waxaa lagu qabtey shir ay kasoo qeybgaleen sideed Kun oo qof oo meelo kala duwan oo dunida ah ka tagey. Shirkadaha kala duwan ee dalkaasi Turkiga ayaa kulankaasi ku soo bandhigay Alaabaha ay sameeeyaan ee ay aduunka u iib geeyaan.
Sanadkan waxaa ka qeybgaley ganacsato Somaliyeed oo ka tagay magaalada JOhnesburg ee dalka South Africa, kuwaasoo tiradooda ay gaareyso Labaatan qof (20)
Waxaa ganacsatadasi ka mid ah Mahad Cumar Cabdi oo asagu madax ka ah Urur ay ku midoobeen ganacsato Somaliyeed oo ka jira dalka Koonfur Africa.
Sahra CAbdi Axmed ayuuna ugu waramay Shirkaasi.