Isku xirrada

War Deg-Deg ah

37 ka mid ah Shabaab oo duqeyn lagu dilay


Shabaab
Shabaab

Ciidamada milatariga ee Maraykanka ayaa sheegay inay dileen 37 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab kadib laba duqaymood oo ka dhacay Gobolka Mudug shalay.

Mid ka mid ah duqeymaha ayaa lagu dilay 27 xubnood oo Shabaab ah, halka midda labaad lagu dilay 10 mintidiin ah.

Taliska milatariga Maraykanka ee AFRICOM waxa uu ku sheegay war saxaafadeed in duqaymahaasi oo lala beegsaday laba goobood aysan waxyeello kasoo gaadhin dad rayid ah.

Haddaba mid ka mid ah dadka deganaka ayaa weriyahayaga Cabdulwaaxid Macallim Isxaaq uga warramay sida ay wax u dhaceen.

37 ka mid ah Shabaab oo duqeyn lagu dilay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:20 0:00

XS
SM
MD
LG