Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Askari toogasho ku dilay laba askari oo kale


Boosaaso

Askari ka tirsan ciidamada badda maamul goboleedka Puntland ayaa habeenimdii xalay magaalada Boosaaso ku dilay laba askari oo ciidamada Badda maamulka Puntland ay ka wada tirsanaayeen.

Askariga ayaa la sheegay in askarta geeriyootay uu raas ku furay iyaga oo kuwada jira hawlga ay amaanka ku sugayaan.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Badda Puntland oo ay VOA la
xiriirtay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, islamaraana ay ku hawlan yihiin baritaanka sababta ku kaliftay in askarigaani toogasho ku dilo labadan askari ee ay hawlgalka kudawada
jireen.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG