WASHINGTON. D.C —
Kumannaan ka mid ah shaqaalaha dab damiska Mareykanka ayaa la tacaalaya dab xoog leh oo ka ololaya qeybo ka mid ah koofurta iyo waqooyiga gobolka California.
Ugu yaraan 44 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabkaan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu khasaaraha badnaa ee soo mara gobolka California.
Bulshooyin badan ayaa barakacay, guryo badanna dhulka ayay la sinmeen dhinaca koofureed ee California gaar ahaan deegaannada u dhaw dhaw magaalada Los Angeles.
Dabeeylo xawaarahoodu sarreeyo iyo huur aanan sidaasi u badneyn ayaa la sheegay inay sii hurinayaan dabkan.