Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burco: Xafladaha ragga iyo dumarka oo la mamnuucay


Maamulka Somaliland ayaa soo saaray amarro hoteellada iyo goobaha kale ee lagu caweeyo ee magaalooyinka Somaliland looga mamnuucayo inay furaadaan wixii ka dambeeya habeenkii 11:50 daqiiqo.

Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Diiriye Muuse ayaa warkan maanta ka sheegay telefishinka dowladda.

Geesta kalena magaalada Burco ayaa la sheegay in sanadihii ugu dambeeyay laga mamnuucay Aroosyada ay ragga iyo dumarku iskugu yimaadaan ee lagu qabto Hoteellada.

Sidoo kale qaar ka mid ah Hoteellada ku yaala magaalada Burco ayaa dhawaan soo saaray g’aan ay ku mamnuucayaan in sawiro lagu galo.

Sahra Ciidle Nuur ayaa warbixintan arimahaasi ku eegaysa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:13:59 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG