Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay korortay tirada dadkii ku dhintay qaraxyaddii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Tirada ayaa hadda gaartay in ka badan 50 qof oo dhimasha ah iyo 106 kale oo dhaawac ah, waxaana isbitalada ay ku mashquulsanyihiin daweynta dadkii ku dhaawacmay qaraxyada.
Wariyaha VOAda Xassan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste oo soo maray qaar ka mid ah isbitalada Muqdisho ayaa warbixintan inoo soo diray.