Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex qarax oo ka dhacay Muqdisho


Qarax
Qarax

Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay 10 ka badanna wey ku dhaawacmeen saddex qarax oo is-xigxigay oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo baabuur loo adeegsaday ayaa mid ka mid ah la sheegay in lagu dhuftay albaaka saxafi, midka kale ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka iyo Xarunta Dambi Baarista ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ee CID, halka kan sadexaad uu ka dhacay wado yar oo ku taala dhabarka dambe ee Hotelka Saxafi.

Saraakiisha Amiga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in mintidiin ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerarka geysteen. Waxey sheegeen inay dileen afar ka mid ah oo hubeysnaa oo ay ciidamada dagaalameen.

Dowladdu waxey sheegtay in dhamaan dadkii hotelka Saxafi gudihiisa ku jiray la soo badbaadiyay.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in dadka dhintay badankood ay ahaayeen dad rayid ah oo isugu jiray kuwa jidka marayay, kuwo saarnaa bajaajyo, caasiyo iyo baabuur kale oo wada mareysay marka ay qaraxyadu dhacayeen iyo kuwo meesha marayay.

Hotelka Saxafi ayaa ku dhow isgoyska mashquulka badan ee KM4 waxaana uu ka soo horjeeda xarunta CID-da.

Warar ay ku baahiyeen baraha internetka ee taageera ayey Al-Shabaab ku sheegatay masuuliyadda weerarka.

XS
SM
MD
LG