Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dimoqraadiga oo qabsaday Aqalka Wakiilada Mareykanka


Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa dib ula wareegay maamulka Aqalka Wakiilada, halka Jamhuuriga ay sii xajisteen Aqalka Senate-ka kadib doorashadii xilliga dhexe ee shalay ka dhacday dalka.

Natiijada oo ahayd mid la filayey ayaa ugu yaraan muujineysa diidmo ka dhan ah madaxweyne Donald Trump, oo maalmihii ugu dambeeyey ololaha doorashda, qabtay isu soo baxyo dhowr ah oo uu taageero ugu raadinayo xubnaha Jamhuuriga.

“Maanta waa ka weyn tahay Dimoqraadi iyo Jamhuuri, waa maalin ku saabsan dib usoo celinta ilaalintii dastuuriga ahayd ee maamulka madaxweyne Trump” waxaa sidaas tiri Nancy Pelosi oo ah hoggaamiyaha dimqoraadiga, oo ka hadleysay xarunta xisbiga ee Washington.

Ayaga oo markii ugu horreysay muddo sideed sano ah qabanaya maamulka Aqalka Wakiilada, Dimoqraadiga ayaa sameyn kara wax ka badan inay hor-istaagaan sharciyada muhiimka u ah Trump. Waxa ay la wareegi doonaan hoggaanka guddiyada aqalka ee qaarkood haysta awood ay wax ku baaraan.

Qaar ka mid ah xubnaha dimoqraadiga ayaa soo jeediyey inay dalban doonaan inay arkaan waraaqaha canshuur celinta madaxweynaha, islamarkaana baaraan ganacsigiisa, iyo sidoo kale xiriirka la tuhunsan yahay in ololihiisa uu sanaddii 2016 la lahaa Ruushka.

Dhinaca Aqalka Hoose waxaa taariikh sameeyey dhowr musharrax. Markii ugu horraysay ayaa waxaa Aqalka Koongareeska ka mid noqonaya laba gabdhood oo Muslim ah, oo kala ah Ilhaan Cumar oo Asalkeedu Soomaali yahay lagana soo doorto Gobolka Minnesota iyo Rashida Talaaib oo kasoo jeeda Falastiin, lagana soo doorto Gobolka Michigan.

Degmada 62-aad ee isla Gobolka Minnesota waxaa Golaha Wakiillada ee Heer Gobol Iyana ku guulaysatay Hodan Xasan oo iyaduna ah Gabadh Soomaali ah.

Warbixin ku saabsan arrintan iyo saameynta sharci ee ay dalkan ku yeelan karto waxaa inoo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya Maxamed Colaad Xassan.

Warbixin ku saabsan doorashooyinka Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:15:36 0:00

XS
SM
MD
LG