Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho muhiim ah oo maanta ka socota Mareykanka


Dadweynaha Mareykanka oo aad u kala qeybsan ayaa maanta codeynaya si ay u doortaan xubno cusub oo aqalka congress-ka ah.

Natiijada doorashada ayaa beddeli doonta jihada siyaasadeed iyo awoodda Washington laba sano kadib markii madaxweyne Donald Trump uu xukunka qabtay.

Dhammaan 435-ka xubnood ee aqalka wakiilada ayaa dib loo soo dooran doonaa, halka 35 kursi oo ka mid ah aqalka senate-ka ayagana lagu loolamayo, waxaana taas dheer 36 ka mid barasaabyada gobollada.

Codadka ra’yiga dadweynaha iyo dadka siyaasadda taxliilaya ayaa muujinaya in xisbiga mucaaradka ah ee dimqoraadiga ay u muuqato inay la wareegi doonaan hoggaanka Aqalka Hoose.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa isku haleynaya in madaxweyne Trump uu kiciyo taageerayaashooda, si ay usii haystaan maamulka Aqalka Senate-ka oo hadda ay kaga badan yihiin diqmoraadiga 51-49.

26 ka mid ah 35-ka kursi ee Aqalka senate-ka ee lagu loolamayo ayaa waxaa ku fadhiya dimqoraadiga, taasi oo adkeyn doonta rajada dimqoraadiga ee ah inay aqalkaas kala wareegaan Jamhuuriga.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG