Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Dhexe: Doorashada Koonfur Galbeed dib uma dhici karto


Koonfur Galbeed
Koonfur Galbeed

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku fareyso madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed in doorashada maamulkaasi ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey, oo ah 17-ka November 2018-ka.

Hadalkan ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa imanaya maalin ka dib markii gudoomiyihii guddigga doorashada, ku xigeenkiisii iyo inta badan xubnihii guddigaasi ay is-casileen, taasoo jahwareer gelisay qabanqaabadii loogu jiray doorashada Koonfur Galbeed.

Waxaa kaloo soo baxayay baaqyo ka imaanaya qaar ka mid ah malaaqyada iyo odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo baraha bulshada lagu baahiyay, oo ay ku codsanayaan in doorashada xiligeeda dib loo dhigo.

“Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira Koonfur Galbeed waxay ku egtahay 17-ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG