Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in gudoomiyihii guddiga doorashada ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Carfo Ibraahin Aadan uu is-casilay.
Waxaa sidoo kale is-casilay guddoomiye ku xigeenka iyo xubno kale oo guddiga ka mid ah.
Is-casilaaddan la soo warinayo, oo ay VOA-du u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ku soo beegmeysa saacado un ka dib markii guddigu uu bixyay shahaadooyinka musharrixiinta soo buuxiyey shuruudaha ay dhigeen guddiga doorashada.
Waxaa xubnaha qaatay Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, oo asna isla maanta iska casilay jagada uu horey u hayey oo ah wasiirka tamarta iyo biyaha dawladda federaalka.
Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo maanta soo xoogeysanayay hadal heyn shaki gelinaysa in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aaden uu tartanka ka hari doono iyo in kale.
Jamaal Axmed Cusmaan ayaa arrintan wax ka weydiiyay wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed Xassan Cabdi Maxamed.