Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo dib usoo celiyey xayiraadii Iran


FILE - Secretary of State Mike Pompeo speaks to reporters at a news conference at the State Department in Washington.
FILE - Secretary of State Mike Pompeo speaks to reporters at a news conference at the State Department in Washington.

Dowladda Mareykanka ayaa maanta dib cunaqabateyn ugu soo rogtay ganacsiga saliidda iyo hanaanka maaliyadda Iran, kadb ballan-qaadkii madaxweyne Trump ee ahaa inuu dib u cunaqabateyn doono Tehran, sababo la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo shir jaraa’id la qabtay xoghayaha maaliyada Steve Mnuchin ayaa sheegay in Iran ay haysato ikhtiyaar.

“Dib ayay uga soo laaban kartaa ficilladeeda dambiga ah, oo waxay noqon kartaa dal caadi ah, ama waxa ay daawan doontaa dhaqaalaheeda oo burbura” ayuu yiri Pompeo.

Tallaabooyinka cusub ayaa mamnuucaya in la iibsado saliidda Iran, oo ah qeyb weyn oo ka mid ah dhaqaalaheeda.

Mamaulka Trump ayaa sheegay in sideed dal oo kala ah Turkey, China, India, Japan, Korea-da Koonfureed, Taiwan, Italy iyo Greece la siiyey waqti dheeri ah oo ay kusoo geba gebeeyaan iibsigooda saliidda Iran.

XS
SM
MD
LG