Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ninka qaba Asia Bibi oo codsi u diray Trump


Asia Bibi
Asia Bibi

Ninka qaba haweeney kirishtan ah, oo sideed sano xabsi ku yaalla dalka Pakistan ugu jirtay eedeymo la xiriira inay aflagaadeysay nebi Muxamed NNKH ayaa ka codsaday madaxweyne Donald Trump inuu magan-galyo siiyo.

Muuqaal ay duubeen midowga kirishtanka British-ka ee asal ahaan kasoo jeeda Pakistan, oo ay aragtay wakaaladda wararka Reuters, ayaa Ashiq Masih oo ah ninka qaba Asia Bibi, waxa uu sidoo kale caawimaad ku weydiistay dalalka UK iyo Canada, isaga oo sheegay in nolosha xubno ka mid ah qoyskiisa ay halis ku jirto.

Sida ay sheegtay Reuters, safaaradaha Mareykanka, Britain iyo Canada ee Islamabad ayaan wax jawaab ah ka bixin codsiga.

Saiful Mulook, oo ah qareenka Bibi, ayaa sabtidii sheegay inuu ka cararay dalka Pakistan, isaga oo u cabsanaya noloshiisa kadib markii horraantii toddobaadkan ay maxkamad dambi ku weysay Asia, taasi oo dibadbaxyo xooggan ka dhalisay Pakistan.

Xubno ka mid ah kooxda mintidka ee Taxriik Labayk Yaa Rasullulah ayaa saddex maalmood xanibay waddooyinka ugu waa weyn Pakistan, ayaga oo dalbanaya in la dilo garsoorayaasha maxkamadda sare ee dambiga ku waayey Asia Bibi, arbacadii.

XS
SM
MD
LG