Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hogaamiyaha Mucaaradka Bahrain oo Xabsi Daa'in Lagu Xakumay


taageerayaasha Sheikh Ali Salmanoo mudaaharaad sameynaya
taageerayaasha Sheikh Ali Salmanoo mudaaharaad sameynaya

Maxkamadda Sare ee racfaanka dalka Bahrain ayaa maanta xakun xabsi daa’in ah ku ridday saddex xubin oo ka tirsan mucaaradka dalkaasi.

Sheikh Ali Salman iyo laba sarkaal oo sare oo mucaarad ah oo dhamaantood ka tirsan dhaqdhaqaaqa laga mamnuucay dalka Bahrain ee Al-Wefaq ayaa maxkamadda danbiyada ee dalkaasi ay ku weysay danbi ah in ay u basaasayeen Qatar.

Hase yeeshee Sheekh Ali Salman oo ah higaamiyaha kooxdani, ayaa waxaa hadda loo xiray eedeymo kale. Labada kale ee la xakumay ayaa ka maqan dalka Bahrain waxaana xakunkooda uu dhacay iyaga oo aanan joogin maxkamadda.

Hey’adda Amnesty International ee u dooda xaquuqda aadanaha ayaa ku tilmaantay xakunkan xabsi daa’inka ah ee lagu riday saddexdani nin Caddaalad la marin habaabiyay.

Amnesty waxay sheegtay in Sheekh Ali Salman uu u xiranyahay kaliyah isaga oo si nabad ah u adeegsaday xorriyaddiisa hadalka.

Bahrain, Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhamaantood xiririka u jaray dowlada Qatar kaddib marki ay ku eedeeyeen in ay xiriir la leedahay dalka Iran iyo kooxo Mulimiin xagjir ah.

XS
SM
MD
LG