Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari Mareykan ah oo lagu dilay Afghanstan


Askari ka tirsan ciidanka badda Mareykanka oo jooda Afganstan

Aksari ka mid ah ciidamada Mareykanka ee jooga Afganstan ayaa dhintay mid kalana waa la dhaawacay kadib marki uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada Afganstan gudaha magaalada Kabul.

Weerarkaan oo dhacay Sabtidi shalay ayaa ahaa kii ugu danbeeyay oo ah weerarada ay askarta ciidamada Afganstan ay ku dilaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO ee jooga Afgahsnatn.

War kasoo baxay isbaheysiga NATO ayaa lagu sheegay in qofka dilay askariga Mareykanka ah uu ka tirsanyahay ciidamada qalabka sida ee Afganstan.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in askariga dilka geystay ay dileen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Afganastan.

Askariga Mareykanka ah ee lagu dilay Afganstan ayaa waxaa lagu magacaabaa Brent Taylor, wuxuu ka tagay 7 caruur ah, isaga oo kasoo jeeda degmada North Ogden ee gobolka Utah ee dalkaan Mareykanka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG