Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milan oo soo gaartay kaalinta afraad


AC Milan
AC Milan

Kooxda AC Milan ayaa marki ugu horreysay tan iyo inti uu billowday xilli ciyaareedka cusub gaartay kaalinta afraad kaddib marki ay xalay 2-1 uga badisay kooxda Geona.

Ciyaartan ayaa aheyd kulan baaqday bishi August. Goolka waxaa la hormartay Milan waxaa si qurux badan u dhaliyay Suso daqiiqadi lixaad ee ciyaarta laakin Genoa ayaa isaga soo magtay goolkaas qeybti labaad ee ciyaarta gool uu kooxdiisa ka dhaliyay Alessio Romagnoli.

Hase yeeshee Milan goolka guusha waxaa daqiiqadi 92-aad ee ciyaarta u dhaliyay isla Alessio Romagnoli oo ah kabtanka kooxda isla markaana ahaa laacibkii goolka ka dhaliyay kooxdiisa.

Milan waxaa hadda leedahay 18 dhibcood, waxay isku dhibco yihiin Lazio balse farqiga goolasha ayaa waxaa ku sarreeya Milan.

XS
SM
MD
LG