Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cesar Sayoc oo maanta la maxkamadeynayo


Cesar Sayoc, oo ah nin si aad ah u taageera madaxweyne Donald Trump, kaasi oo lagu eedeeyey in 13 xirmooyin oo ay ku jiraan aalado qarxa u diray dad kasoo horjeeda madaxweynaha, ayaa maanta kasoo hor-muuqan doona maxkamad.

56 jirkan ayaa ka hortagi doona garsoore federal oo ku sugan magaalada Miami ee gobolka Florida, meel aan ka fogeyn halkii wakiilada federaalka ay ku xireen jimcihii.

Kadib dhageysiga maanta, kiiskiisa ayaa la filayaa in loo wareejio maxkamad federal oo ku taalla gobolka New York.

Sayoc, ayaa wajahaya shan dacwad oo la xiriira shirqool socday toddobaad, oo uu bamoobyinka ku dirayey boostada.

Xirmooyinka uu diray, oo midkoodna aan qarxin, ayaa waxaa loo diray xubno ka mid ah xisbiga dimqraadiga, oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Barack Obama, madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden, iyo Hilary Clinton oo doorashadii madaxweyne ee 2016 kula loolantay Donald Trump.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG