Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga: Dilka Khashoggi wuu qorsheysnaa


Jamal l Khashoggi
Jamal l Khashoggi

Dowladda Sacuudiga ayaa mar kale beddeshay sharaxaadeeda dilka suxufi Jamal Khashoggi loogu gaystay gudaha qunsuliyadda Riyadh ee Istanbul, waxaana markan ay sheegtay in dilka uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyey.

Bayaan maanta kasoo baxay dacwad-oogaha dadweynaha Sacuudiga oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ayaa lagu sheegay in sharaxaadda cusub lagu salleeyey akhbaar cusub oo Sacuudiga ay ka heleen Turkiga.

Si kastaba, qoraalka ayaan lagu caddeyn cidda horey u qorsheysay dilka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dacwad oogaha uu weli wado baaritaanka dadka lagu tuhmayo dilka si loogu soo afjaro hab cadaaladeed.

Dowladda Sacuudiga ayaa shaqada ka ceyrisay shan mas’uul oo sare oo lala xiriiray dilka, islamarkaana xabsiga dhigtay 18 tuhmaneyaal.

Dad uu ka mid yahay madaxwenaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu qaadi doono mas’uuliyadda kama dambeysta ah ee dilka.

XS
SM
MD
LG