Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa shalay ansixiyay golaha wasiirada uu soo xushay ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Ethiopia Abiy Axmed.
Golahaas oo kala bar ay dumar yihiin, ayaa loo arkaa doorkii ugu xooganaa ee ay dumarka siyaasadda ka helaan taariikhda Ethiopia, oo ah wadanka labaad ee ugu dadka badan Africa.
Muddo todoba bilood ah oo uu joogay xafiiska, Abiy Axmed waxa uu dadlkaasi iyo siyaasadda Ethiopia ee gobolkaba uu ka sameeyay isbedello waa weyn. Waxaa ka mid ahaa si deynta kumanaan maxaabiis ah, heshiiskii uu la galay Eritrea iyo balanqaadyo uu ka sameeyay furfurista dhaqaalaha.
Hadaba golahan wasiirada cusub ee Ethiopia ee kala barka ay dumarka yihiin waxaa warbixintan kooban inooga heysa Caasha Ibrahim Aaden.