Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liverpool oo dardartay Red Star Belgrade


Mohamed Salah
Mohamed Salah

Liverpool ayaa xalay 4-0 ku garaacday kooxda Red Star Belgrade. Laba ka mid ah goolasha waxaa dhaliyay Mohamed Salah oo hadda noqday laacibki ugu horreeyay oo muddo gaaban gudaheed Liverpool ugu dhaliya 50 gool.

Salah ayaa Liverpool u ciyaaray kaliyah 64 kulan tan iyo marki uu uga yimid kooxda Roma sannadki 2017-ki.

Ciyaarihi kale ee shalay dhacay Borussia Dortmund ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Atletico Madrid oo ay ku dardartay 4-0 ciyaar ka tirsaneyd Group-ka A.

Goolasha waxaa Dortmund u kala dhaliyay Axel Witsel, Jadon Sancho iyo Raphael Guarrero oo keenay laba gool kaddib marki uu beddel kusoo galay.
Club Brugge iyo Monaco waxay kala qeybsadeen bareejo 1 – 1ah.

Qeybta D kooxda FC Porto ayaa 3-1 ku dharbaaxday Lokomotiv Moscow halka Galatasaray iyo Schalke ay isku mari waayeen 0 – 0.

XS
SM
MD
LG