Saddex sarkaal oo xilal sare ka hayey koonfurta dalka Afghanistan oo uu ku jiro taliyaha booliska ee awood badnaa Jeneral Cabdul Raziq, ayaa lagu dilay toogasho dhacday intii lagu guda jiray booqsho uu halkaas ku tegay jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.
Jeneral Scott Miller oo Mareykan ah, oo wax dhibaato ah aysna gaarin, ayaa booqanayey guriga barasaabka gobolka Kandahar, halkaasi oo uu kulan kula lahaa barasaabka iyo saaakiil kale oo ka tirsan maamulka gobolka.
Ka sokow Razi, oo horey uga bad-baaday dhowr weerar oo Taliban ay doneysya inay kudsho, waxaa weerarkii maanta lagu dilay barsaabkii gobolka iyo madaxii sirdoonka gobolka. Sidoo kale saddex askari oo Mareykan ah ayaa weerarka lagu dhaawacay, ayada oo filimqaade reer Afghanistan ah uu sidoo kale ku dhintay.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegay toogashada ay dhacday markii uu kulanka dhammaaday oo saraakiisha ay u socdeen garoon ay cagdhigtaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, oo ay ka bixi lahaayeen.
Kooxda Taliban ayaa sheegatay weerarka oo ay sheegtay inuu fuliyo qof ku dhex-milmay ciidamada maamulka Kandahar.