Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkadaha adduunka oo qaadacaya shirka Riyadh


Shirkadaha iyo hay’adaha ugu weyn ee dunida ayaa qaadacaya shir maal-gashi oo 23-ka illaa 25-ka October lagu qaban doono dalka Saudi Arabia, sababo la xiriira xaaladda suxufiga la lay’ayah ee Jamal Khashoggi.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF Christine Lagarde oo lagu waday inay ka qeyb-gasho shirka, ayaa baajisay safarkeeda, sida uu sheegay afhayeenka IMF, oo aan bixin wax sharraxaad ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xoghayaha maaliyadda Steven Mnuchin uu jimcaha go’aan ka gaari doono inuu ka qeyb-galayo shirka Hindisaha Maal-Gashiga Mustaqbalka ee Riyadh iyo in kale.

Shirkan oo ay soo abaabushay hay’adda Sanduuq Maal-galinta Guud ee Sacuudiga ayaa waxaa qorshuhu yahay in lagu muujiyo isbeddelada dhaqaale ee uu wado dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.

Si kastaba, shirkan ayaa jahwareer uu asiibay kadib markii la waayey suxufiga sacuudiga ee Jamal Khashoggi, oo ahaa nin dhaliila boqortooyada, kaasi oo aan la arag tan iyo labadii October markaasi oo uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Website-ka shirka oo markii hore ay ka muuqdeen liiska dadka ka hadli doona shirka, ayaa hadda laga saaray liiskaas, xilli ay sii kordhayaan dadka shirka qaadacaya.

AFP

XS
SM
MD
LG