Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ingiriiska oo 31 sano kaddib ka badiyay Spain


Waxaa xalay dhacay ciyaaro ka tirsan tartanka cusub ee Uefa Nation League, kaas oo uu xiriirka kubadda cagta Yurub ku beddelay ciyaarihi saaxibtinimo ee ay ciyaari jireen xulalka kubadda cagta Yurub.

Mid ka mid ah ciyaarihi ugu xiisaha badnaa ee xalay dhacay ayaa wuxuu dhexmaray England iyo Spain, waxaana 3-2 ay guushu ku raacday xulka Ingiriiska.

Waxay aheyd marki ugu horreysay oo uu Ingiriiska uga badiyo Spain gudaha dalka Spain muddo 31 sano ah.

Xulka England saddexda gool ee ay ku badiyeen waxay keeneen qeybti hore ee ciyaarta waxaana laba ka mid ah saxiixay Raheem Sterling halka kan kalana uu dhaliyay Marcus Rashford.

Spain labada gool waxaa u kala dhaliyay Paco Alcacer iyo Sergio Ramos oo madax ku dhaliyay daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta.

Waa marki ugu horreysay oo xulka Spain ay guuldarro kasoo gaarto ciyaar ka tirsan tartannada Yurub. Marki ugu danbeysay ee ay khasaaraan waxay aheyd ciyaarihi Qaramada Yurub ee 2016-ki markaas oo uu xulka Talyaaniga uga badiyay 2-0.

Ciyaarihi kale ee xalay dhacay xulalku waxay isu arkeen sidan:

Iceland 1 - 2 Switzerland
Bosnia and Herzegovina 2 - 0 N.Ireland, labada gool waxaa u saxiixay Eden Estonia 3 - 3 Hungary
Finland 2 - 0 Greece
Belarus 0 - 0 Moldova
Luxembourg 3 - 0 San Marino.

XS
SM
MD
LG