Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Qaraxyadii Baydhabo oo Korodhay


Sida ay masuuliyiin xaqiijiyeen, ku dhowaad 22 qof ayaa ku dhimantey, dhowr iyo soddon kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyadii shaley ka dhacay maqaayad ku taallo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waxaa Warsaxafadeed xaley laga soo saarey madaxtooyada dowlada Federalka ee Soomaaliya lagu cambaareeyey qaraxayadaasi, iyadoo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ugu baaqay xukuumada inay u fidiso gurmad deg deg ah dadka ugu darran ee qaraxaasi uu saameyey.

Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka ee magaalada Baydhabo kula xariirtey guddoomiyaha gobolka Bay Cali Wardheere Dooyow, oo ay weydiisay xaaladda dadka ku waxyeelloobay qaraxyadaasi.

Wareysi: Dhimashada Qaraxyadii Baydhabo oo kordhay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:48 0:00

XS
SM
MD
LG