Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Muxuu ahaa heshiiska dowladda iyo Roobow?


Roobow
Roobow

Dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtey in aysan sax ahayn in Sheekh Mukhtoor Rooboow oo horey uga tirsanaan jirey Al-Shabaab, marna noqdey ku xigeenka hogaanka jabhada, uu u tartamo madaxweynenimada Koonfur Galbeed.

Arrintaas iyo waqtiga ay dowladu ka hadashey ayaa hadal hayn bulshada ka dhexdhalisey, maadaama uu mudaba caddaa qorshaha Sheekh Mukhtaar Rooboow.

Inkasta oo ay dowlada iyo Sheekh Mukhtaarba ka hadleen is-afgaradki ay gaareen sanad ka hor, hadana ma jirin wax faah faahin ah oo warbaahinta laga siiyey heshiiska, sida uu xiriirkooda ku biloowdey iy waliba qorshahooda.

Cabdirishiid Cabdullaahi Maxamed waa wasiirki hore ee Wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre, horeyna usoo qabtey xilka gudoomiyaha gobolka Bay. Sida uu VOA la wadaagey, isaga ayaa billaabey wadahadalada wadaxaajoodka, waxana uu sheegay in dawladdu ayna ku saxsaneyn go'aankeeda.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa wareystay.

Dhageyso Doodda Murashaxnimada Roobow
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:28 0:00

XS
SM
MD
LG