Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin gaar ah: Dhibaatada gudniinka fircooniga


Malaayiin gabdhood oo ku nool qaar ka mid ah wadamada Africa iyo bariga dhexe ayaa sanad kasta la kulma dhacdooyin xanuun badan oo ay ka dhaxlaan Gudniinka Fircooniga ah, kaasi oo la sheegay in uu soo bilaabmay qarniyo ka hor.

Wadamada uu ka jiro dhaqanka Gudniinku waxa ka mid ah ugu yaraan 38 wadan oo African ah oo ay Soomaaliya ku jirto, iyo dalal ku yaala bariga dhexe iyo Laatin America.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in sanadka 2030 ka guud ahaan dunida laga joojiyo gudniinka firconiga ah, balse wali waxa jira gabdho yar yar oo maalin kasta u dhimanaya dhaawacka soo gaadhay Gudniinka.

Sahra Ciidle Nuur ayaa warbixin arrimahaa ku saabsan inoo diyaarisay.

Warbixin gaar ah: Dhibaatada gudniinka fircooniga
please wait

No media source currently available

0:00 0:15:49 0:00

XS
SM
MD
LG