Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roobow oo isku sharxay madaxweynaha K/Galbeed


Roobow
Roobow

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansoor, ayaa maanta magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay kaga dhaawqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Roobow, ayaa mar soo noqday hogaamiyaha labaad ee ururka al-Shabaab, waxaana madaxiisa saarneyd lacag uu dul dhigay Mareykanka.

Sanadkii 2017-kii ayuu Roobow isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya, ka dib markii muddo billo ah ay uu weerar kala kulmayay maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Roobow ayaa ka mid noqonaya murashixiin ilaa iyo 10 gaaraya oo ku baratamaya doorashada Koonfur Galbeed oo lagu wado inay dhacdo 27-ka bisha November ee soo socota.

Wariyaha VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan Baydhabo ka soo diray.

Roobow oo isku sharxay madaxweynaa Koonfur Galbeed
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:14 0:00

XS
SM
MD
LG