Dr. Aadan Cabdullaahi, waxa uu dhowaan ka furey magaalada Nayroobi xarun loogu sameeyo gabdhaha qaliin ka caawinayo dhibaatooyinka ka soo gaarey gudniinka Fircooniga.
Waxa uu VOA u sheegay in caqabada gudniinka Fircooniga aannan la dhayalsan karrin. Labo boqol oo gabdhood ayaa soo gaaray xaruntiisa, kuwaas oo loo sameeyey qaliin.
Dr. Aadan Cabdullaahi ayaa ka qeyb-galayey kulan 750 dhaqaatiir ah oo ka kala yimid dunida dacaladeeda ay uga doodayeen wax ka qabashada gudniinka Fircooniga iyo caawinta haweenka ay waxyeelada ka soo gaartey.
Sahra Cabdi Axmed ayaa kula kulantey Chigaco.