Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadaallada Dhaqdhaqaaqa MeToo


Hal sano ka dib markii uu soo baxay dhaqdhaqaaqa lagu magacaabo MeToo, kaas oo wax badan ka beddelay Maraykanka, ayaa faraxumeynta dumarku ay wali sii tahay dhibaato caalami ah.

Sida laga soo xigtay daraasad ay sameysay hay’adda Care, ku dhawaad 4tii dumar ahba mid ka mid ah, kuwaas oo ku nool 8 dal oo ay daraasaddu eegtay ayaa la kulmay galmood, arrintaas oo kaga timaadda qoyska qofka madaxda ka ah goobta ay ka shaqeeyaan ama saaxiib la ah maamulaha shaqadaas.

Warbixinta ayaa lagu yiri in heerku uu gaaro ilaa 62% dalka Masar. Dalka Maraykanka, in kasta oo Masar uu ka hooseeyo, haddana 8-dii dumar ahba hal ka mid ah ayaa arrintaas oo kale la kulantay sanadkan 2018ka.

XS
SM
MD
LG