Cilmi baaris ay wada jir ah u sameeyeen hay'adaha Farsight Africa iyo IPSOS ayaa muujineesa in hoos dhac kalsoonida dadweynaha ay ku qabaan hey’adaha dowladdu ay jirto xilligan marka loo eego sanadkii 2017-kii.
Cilmi baarista ayaa muujisay in dowladdu ay ku taagantahay dhabbihii dowladnimada balse ay hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabay sida madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha, garsoorka iyo baarlamaanka.
Cabdirisaaq Aadan Maxmaed, oo ah madaxa fulinta hay'adda Farsight Africa ayaa VOA-da uga warramay cilmi baaristan iyo waxa ay ku saleeyeen.
Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay aragtida ay ka qabto cilmi baaristan, lagu sheegay in kalsoonidii ay dadku ku qabeen ay hoos u dhacday.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa weydiiay aragtida dowladda, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxmauud Geelle.