Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Canada oo gaaray heshiis ganacsi


Kaddib wada-hadallo xooggan oo daqiiqaddii ugu dambeysay la isla gaaray ayaa Mareykanka iyo Canada waxay gaareen heshiis ganacsi, ka hor inta aan la gaarin waqtigii ay qabsadeen oo ku ekaa xalay saqdii-dhexe.

Heshiiskan ayaa ogolaanaya in heshiis saddex geesood ah oo cusub oo u dhaxeeya Mareykanka, Canada iyo Mexico uu beddelo heshiiska ganacsiga xorta ah ee waqooyiga America ee loo yaqaan NAFTA.

Heshiiska ganacsi oo ku kacaya 1.2 tirilyan oo dollar sanadii ayaa la filayaa in muddoo 60 maalmood gudahood ah ay ku saxiixan madaxweyne Donald Trump iyo dhigaggiisa dalalka Mexico iyo Canada.

“Waxaan rumeysannahay in heshiiskan uu yahay mid u wanaagsan Mareykanka” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Trump, oo intaas ku daray in heshiiskan uu guul weyn u yahay madaxweynaha.

Trump ayaa intii uu ololaha ku jiray cambaareeyey heshiiska NAFTA, oo uu sheegay inuu ahaa heshiis ganacsi oo aad ugu xun Mareykanka.

XS
SM
MD
LG