Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciyaarihi Xalay ee Horyaalka Talyaaniga


Milan
Milan

Kooxda AC Milan ayaa ku guuldarreysatay in ay kulankeedi saddexaad oo xiriir ah ay badiso horyaalka Serie A-da Talyaaniga, kadib marki ay xalay bar-barro 1- 1 ah la dhaafi weyday Empoli.

Waxay aheyd bareejadi saddexaad oo xiriir ah, kadib marki labadi todobaad ee lasoo dhaafay ay barbarro lasoo gashay kooxda Cagliari iyo Roma.

Ciyaarti xalay, Milan iyada ayaa goolka la hormartay waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Lucas Biglia laakin waxaa qeybti danbe ee ciyaarta rigoore ku bareejeeyay Francesco Caputo.

Dhowr fursad oo ay Milan abuurtay si ay gool u dhaliso ayaa waxaa carqaladeeyay goolhayaha Empoli Pietro Terracciano oo noqday laacibki ugu ciyaarta fiicnaa kulanki Milan iyo Empoli.

Ciyaar kale oo ka tirsan Serie A-da Talyaaniga ayaa waxay Khamiisti dhexmartay Sassuolo iyo SPAL, waxaana 2-0 ay guushu ku raacday kooxda Sassuolo.

Waxaa goolasha u kala dhaliyay Claud Adjapong halka goolka labaadna uu saxiixay Alessandro Matri. Guushaasi ayaa Sassuolo u dirtay kaalinta saddexaad iyada oo urursatay 13 dhibcood.

Waxaa horyaalka hogaamineysa Juventus oo leh 18 dhibic, waxaa ku xigta Napoli oo leh 15 dhibcood.

Dhinaca horyaalka Spain, waxaa la ciyaaray saddex kulan, kooxda Real Valladolid waxay 2-1 uga badisay Levante. Real Betis waxay 1-0 ku martay Girona, halka Deportivo Alaves iyo Getafe ay ku kala baxeen 1-1.

XS
SM
MD
LG