Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pompeo oo dhaliilay heshiiska lagu caawinayo Iran


Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa cambaareeyey qorshaha Midowga Yurub ay shirkadaha Yurub uga caawinayaan inay ganacsi la sameeyaan Iran, xilli ay wajahayaan suurta-galnimada cunaqabateynta Mareykanka.

Khudbad uu u jeediyey koox u ololeysa in Iran aysan helin Nukliyeer ayaa Pompeo wuxuu qorshahan ugu yeeray mid caqabad ku noqon doona nabadda iyo ammaanka gobolka.

Qorshaha cusube ee isiintii looga dhawaaqay magaalada New York ayaa abuuray barnaamij loogu magac daray SPV oo shirkadaha Yurub ay lacagta u marin karaan Iran, marka ay kasoo iibsadaan badeecdaha sida saliidda.

Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixday Iran iyo shanta dal ee ku hartay heshiiskii laga gaaray barnaamijkeeda Nukliyeerka, sanaddii 2015, kuwaas oo kala ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ee Britain, France iyo Germany, oo ay wehliyaan Russia iyo China.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in heshiiska maaliyadeed looga gol leeyahay in lasii wado heshiiska Nukliyeerka Iran, kaasi oo Iran ay ku beddelatay in laga qafiifyo cunaqabateynta dhaqaale.

Heshiiskan ayaa waxaa la saxiixay waqtigii madaxweyne Obama, hase yeeshee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka baxay.​

XS
SM
MD
LG