Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa khudbaddii uu Talaadadii shalay ka jeediyey Golaha Guud ee QM ee magaalada New York waxa uu si adag ugaga hadlay arrinta Iran. Trump ayaa sidoo kale si xoog badan u difaacay xornimada Maraykanka iyo weerar uu ku qaaday globalizationka ama dunida si wadar ah wax u wada qabsata.
Wariyaha VOAda Jeff Custer ayaa warbixintan diyaariyey. Maxamed Cabdi Sandhere ayaa soo jeedinaya.