Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweeney labaad oo eedeysay Kavanaugh


Brett Kavanaugh
Brett Kavanaugh

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyey eedeymo cusub oo la xiriira anshax-darro, oo haweeney ay usoo jeedisay garsoore Brett Kavanaugh oo madaxweyne Trump uu u magacaabay maxkamadda sare ee Mareykanka.

Wargeyska New Yorker ayaa axaddii weriyey in laba senator ay baarayaan eedeymaha ay haweeney usoo jeedisay Kavanaugh ee ah inuu isku hor qaawiyey xilligii ay wada dhiganayeen jaamacadda Yale.

Deborah Ramirez oo 53 jir ah ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay in Kavanaugh inuu isku hor qaawiyey.

Afhayeen u hadlay aqalka cad, Kerri Kupec ayaa cambaareeyey hadalka Deborah, waxaana uu yiri “eedeyntan aan la hubin ee 35 jirka ah, waa isku daygii ugu dambeeyey olole ay ka dambeeyaan dimoqraadiga, oo dhulka lagu dhigayo nin wanaagsan”.

“Eedeyntan waxaa beeniyey dhammaan dadkii goobta joogay waqtigaas, waxayna kasoo horjeedaan waxa dadka yaqaan ee la dhigtay Jaamacadda ay ka sheegeen Kavanaugh, aqalka cad wuxuu si buuxda u garab taagan yahay garsoore Kavanaugh” ayuu yiri Kerri Kupec.

Kavanaugh ayaa sidoo kale bayaan uu soo saaray ku beeniyey eedeymahan.

XS
SM
MD
LG