Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir Lagaga Hadlay Dilalka ka Dhaca Muqdisho


Kulan ay soo agaasintay Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC) ayaa walaac looga muujiyay dilal maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dilal lagula kacay gabar yar oo ardayad ahayd iyo hooyo lagu dhax dilay jaamacad ay dhiganaysa.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan noo soo diray.

Dhageyso Shirka Ururka Haweenka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:02 0:00

Haddaba dilalka shalay dhacay waxaa ka mid ahaa mid ka dhashay gaari lagu xirey waxyaabaha qarxa oo uu ku dhintay Cumar Sheikh Caamir oo ay walaalo yihiin Prof Yaxye Sheikh Caamir, oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho. Prof Yaxye Sheikh Caamir ayaa sheegay in qaraxaasi loola danlahaa asaga, wiilka Walaalkiisa ah ee dhintey Cumar Sheikh Caamir na uu asaga usoo socdey markii qaraxa uu qabsanayey. Sahra Cabdi Axmed ayuuna khadka telefoonkka ee magalada Muqdisho ugu waramay sida ay wax u dhaceen.

Dhageyso Dilka Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:17 0:00

XS
SM
MD
LG