Kooxda Manchester City iyo weeraryahan Sergio Aguero ayaa ku heshiiyay in laacibkan reer Argentina uu kusii nagaado naadiga ilaa sannadka 2021-ka, kaddib marki uu saxiixay qandaraas cusub.
Bayaan kasoo baxay Manchester City Jimcaha maanta ah ayaa lagu xaqiijiyay in Aguero uu sii joogi doono Etihad Stadium sannado kale.
Wareysi uu siiyay bogga internetka ee Manchester City ayuu xiddigani ku sheegay in ujeedkiisu ahaa sidii uu muddo 10 sano ah ugu ciyaari lahaa Manchester City, taasoo hadda ay saddex sano oo qudha uga harsantahay.
Aguero oo ah 30 jir ayaa kooxda Man City kaga soo wareegay naadiga Atletico Madrid sannadk 2011. Tan iyo xilligaasi wuxuu kooxda u dhaliyay 204 gool.
Goolashaasi uu dhaliyay ayaa ka dhigay laacibka ugu gooldhaliska badan ee abid soo mara Manchester City, sidoo kale wuxuu ka caawiyay in City ay saddex jeer qaaddo horyaalka Ingiriiska ee Premier League.