Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tanzania: 79 oo ku dhimatay doon quustay


Lake Victoria

Ugu yaraan 79 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kadib marki dooni ay la socdeen ay ku quustay harada Victoria ee dalka Tanzania, gelinki danbe ee Khamiisti shalay.

Saraakiisha dowladda Tanzania ayaa sheegay in howlaha baadi-goobka lagu raadinayo meydadka iyo dadka maqan ay wali sii socdaan.


John Mongella oo ka mid ah madaxda ku mashquulsan howlaha gurmadka ayaa xaqiijiyay in ilaa iyo imminka lasoo badbaadiyay 37 ruux oo qaarkood ay xaaladdoodu aad u liidato.


Mongella ma uusan sheegin sababaha kallifay in doonta ay qallibanto, balse warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrantay in doonta MV Nyerere ay u gaddoontay sababo la xiriira rarka oo aad ugu badnaa.


Sannadki 1996-ki ayaa dooni sidaan oo kale ugu quustay Lake Victoria ee dalka Tanzania waxaa ku dhintay ku dhawaad 894 qof.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG