Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweeneyda eedeysay Kavanaugh oo baaritaan dalbatay


Qareenada haweeney isku day kufsi ku eedeyneysa Brett Kavanaugh, oo ah garsoore uu madaxweyne Trump u magacaabay maxkamadda sare, ayaa sheegay inay dooneyso in FBI-da Mareykanka ay arrintan baarto, ka hor inta aysan hortagin Sineet-ka Mareykanka.

Kavanaugh ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, wuxuuna ka hadli doonaa marka uu hortago guddiga caddaaladda senate-ka, Isniinta soo aaddan.

Haweeneyda eedeyneysa oo lagu magacaabo Christine Blasey Ford, ayaa sidoo kale hortagi doonta guddigan.

Si kastaba, qareenada Ford ayaa warqad ay u direen guddoomiyaha guddiga Chuck Grassley ku sheegay in qaar ka mid Sineetarada ay u muuqdaan inay mar horeba go’aan gaareen oo ay aaminsan yihiin Kavanaugh.

“Baaritaan buuxa oo FBI-da ay smaeyso waxay xaqiijin doontaa caddeymaha muhiimka ah iyo dadkii goobjooge ahaa in la qiimeeyo, oo guddigana ay si buuxda xog u helaan ka hor inta aysan go’aan gaarin” ayaa lagu yiri warqadda.

Christine Blasey Ford, oo bare ka ah jaamacadda Palo Alto ee gobolka California ayaa wargeyska Washington Post u sheegtay inay nolosheeda u cabsatay markii uu weeraray Kavanaugh.

“Waxaan moodayey inuu u dili gaaray, isaga oo aan is ogeyn” ayey Ford ku sheegtay wareysi ay siisay wargeyska.

Ford ayaa shaaca ka qaaday inay dhacdadaan ka dhacday xaflad lagu qabtay gobolka Maryland sanadihii sideetamaadkii, xilligaas oo iyada iyo Brett Kavanaugh ay dhiganayeen dugsiga sare.

Waxa ay sheegtay in Kavanaugh iyo qof ay saaxiibo ahaayeen ay isku hareeyeen ayaga oo qol ku jira, kadibna Kavanaugh uu sariirta ku tuuray, oo uu isku dayay inuu dharka ka siibo. Waxay tiri in labadoodaba ay cabsanaayeen.

Kavanaugh ayaa si xooggan u beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey.

XS
SM
MD
LG