Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Qorshe Lagaga Hortagayo Hubka Bayoliga ah


Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa soo bandhigay qorshe qaran oo cusub oo lagula dagaalamayo haddii cudur dilaaco ama hubka bayolojiga ah ay argagixiso wax ku weerarto. Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa sanad-guuradii sanadkii 2001 markii uu dhacay weerar loo adeegsaday suntan Anthrax-ka Maraykanka gudihiisa, kaas oo ay ku dhinteen 5 qof.

Hada uu madaxweynuhu soo saaray ayuu ku sheegay Talaadadii shalay, weerarka dhinaca hubka bayolojiga ahi uu meelo badan ka imanay. Waxa uu yiri hubkaasi ma yaqaano xuduudda.

Istaraatiijiyadda sanadkan ayaa Madaxweynuhu sheegay in amba qaaday casharo horay looga bartay dhacdooyinka Anthrax-ta wax lagu weeraray.

XS
SM
MD
LG