Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka oo ka hadlay xiisadda Galmudug


Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweynaha Galmudug

Weli waxaa sii xoogeysatay xiisadda siyaasadeed ee maamul goboleedyada Soomaaliya iyo Dowladda Federalka ah.

Xiisaddan ayaa Dowlad Goboleedka Galmudug, gaar ahaan gelisay jahawareer siyaasadeed, kaasoo maamul goboleedyada ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka ah inay ka dambeeyso.

Xubno iska soo horjeeda oo ka tirsan baarlamanka Galmudug oo kala fadhiya Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa sheegay inay xillalkii ka kala qaadeen madaxdii ugu sareysay dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhinaca kalena, xubno ka tirsan baarlamanka Federaalka ayaa kullan Amaanka Muqdisho looga hadlayay maalintii labaad maanta kaga dooday amniga – laakiin waxaa doodahooda hareeyay walaaca ay ka qabaan xiisadda Galmudug ka oogan.

Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan inoo soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:42 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG