Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar kale oo gudniin u geeriyootay


Gabdho ka qeyb-galaya dood ku saabsan ka hortagga gudniinka, Hargeysa.

Wararka naga soo gaaraya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in gabadh saddexaad ay u dhimatay xanuunka teetanada kadib markii dhowaan lagu sameeyey gudniinka fircooniga ah.

Gabadhan ayaa sida ay dhaqaatiirta ku sugan Gaalkacyo noo sheegeen shalay ay xaaladdeedu aad u liidatay, waxaana dhakhataiirtu isku dayeen inay usoo daadgureeyaan magaalada Gaalkacyo hase yeeshee waxaa la sheegay inay maanta geeriyootay.

Toddobaadkii horena laba gabdhood ayaa ku geeriyooday degaanka Bur Saalax kadib markii laga keenay dhulka Soomaalida ee ka tallaabsan xuduudda kadib markii gudniin lagu sameeyey.

Haddaba geeridan ugu dambaysay ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Dr. Maxamed Xuseen Aadan, Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Gobolka Mudug oo ku yaalla magaalada Gaalkacayo.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:50 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG