Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaanta Mangkhut oo Garaaceysa Shiinaha


Wariye ku dhiiraday inuu ka soo warramo duufaanta. Hong Kong, China, Sept. 16, 2018.
Wariye ku dhiiraday inuu ka soo warramo duufaanta. Hong Kong, China, Sept. 16, 2018.

Dabeylo xawaarahoodu sarreeyo iyo roobab culus oo ay keentay duufaanta loogu magacdaray Mangkhut ayaa hadda garaaceysa jaziiradda Hong Kong iyo xeebaha bari ee dalka Shiinaha.

Maamulka Hong Kong ayaa heerka 10-aad gaarsiiyay darajada digniinta ee duufaanta, waana darajadi ugu sarreeyay oo dhinaca khatarta ah ee Hong Kong laga soo saaro.
Waxaa laga cabsi qabaa in duufaantani ay gallaafato nolosha dad badan oo ku nool xeebaha bari ee Shiinaha, xilli ay ku dhawaad 30 ruux ku dishay Sabtidi dalka Filibiin.

Dadka dhintay ayaa badankood ku noolaa jaziiradda Luzon ee waqooyiga Filibiin, waxaana dadka intooda badani dilay burburka darbiyada iyo geedaha ay soo rideen dabeylaha.

Duufaanti ugu khasaaraha badneyd ee Filibiin ku dhifata sannadihi dhawaa ayaa aheyd duufaanti Haiyan oo dalkaasi dharbaaxday sannadki 2013-ki. Waxaa ku dhintay in ka badan 7,300 oo ruux.

XS
SM
MD
LG