Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiilal Dhalinyaro ah oo Lagu Dilay Boosaaso


Gudaha Boosaaso
Gudaha Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in rag hubeysan ay xalay gudaha magaalada ku dileen laba wiil oo dhalinyara ah.

Goob-joogayaal ayaa VOA-da u xaqiijiyay in labada wiil ee la dilay ay ahaayeen saaxibbo sannadki aanu kasoo gudubnay ka qalin-jabiyay jaamacadda Bariga Africa ee magaalada Boosaaso.

Ciidamada amniga ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay oo aad ugu dhaw suuqa magaalada Boosaaso, balse waxaa la xaqiijiyay in ay baxseen raggi dilka geystay.

Lama oga sababta loo dilay labadani ee ka mid ahaa dhalinyarada waxbartay ee magaalada Boosaaso. Waana marki ugu horreysay oo laba wiil oo jaamiciyiin ah hal mar lagu dilo gudaha Boosaaso.

XS
SM
MD
LG