Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaanta Florence oo ku dhufatay Mareykanka


Duufaanta wadata roobab aad u culus ayaa soo gaaray dhulka xeebaha ah ee gobolka North Carolina iyo South Carolina ee dalka Maraykanka.

Malaayiin qof ayaa ka qaxay guryahooda, mas’uuliyiintuna waxay ka digeen in heerka biyuhu uu aad kor u kici doono, deegaanno badanna uu biyo-gelin doono.

Qiyaastii 10 milyan oo qof ayaa ku nool deegaanada ay saameyn doonto duufaanta.

Sahra Cabdi Axmed ay wararkii ugu dambeeyey ka waraystay Sahra Cabdi Shirwac oo madax ka ah Golaha Qurbajoogta Soomaalida kuna nool meel u dhow magaalada Raleigh ee North Carolina.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:05 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG