Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EUFA oo Sameynaysa Tartan Cusub


The UEFA Champions League trophy is pictured
The UEFA Champions League trophy is pictured

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee loo soo gaabiyo UEFA ayaa lagu wadaa inuu sameeyo tartan saddexaad oo ay ku loolami doonaan naadiyadda kubadda cagta Yurub.

Gudoomiyaha ururka ay ku mideysanyihiin kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta Yurub Andrea Agnelli ayaa sheegay in ansixinta billaabashada tartankan ay qalinka ku duugi doonaan guddiga fulinta ee UEFA.

Wuxuu sheegay in ay tartankan uu billaabmi doono xilli ciyaareedka 2021-22-ka, iyadoo ay ka qeybgali doonaan 96 kooxood.

Kooxaha kubadda cagta Yurub ayaa hadda ku tartama koobka Eufa Champions League iyo tartan labaad oo ah Europa League.

XS
SM
MD
LG