Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sweden: Xisbiga Midigta oo guul gaaray


Natiiijada kama danbeysta ah ee doorashada baarlamaaniga ah ee dalka Sweden ayaa la filayaa in ay soo baxdo dhamaadka todobaadkan, hase ahaatee natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in xisbiga midigta fog uu guulo waaweyn kasoo hooyay doorashada.

Xisbiga Sweden Democrats oo ah xisbi kasoo horjeeda muhaajiriinta isla markaana raba in Sweden laga saaro Midowga Yurub ayaa u muuqda inuu noqday xisbiga saddexaad ee ugu kuraasta badan baarlamaanka Sweden.

Iyadoo inta badan la tiriyay codadki doorashadi Axadi dhacday, ayuu xisbiga talada haya ee garabka bidix ee Social Democrats-ka uu helay 28 boqolkiiba codadki la dhiibtay, xisbiga siyaasaddiisu dhex-dhexaadka tahay ayaa helay 19 boqolkiiba halka xisbiga qowmiiga ah ee Sweden Democrats uu helay ku dhawaad 18 boqolkiiba.

Labada xisbi ee Social Democrats iyo kan siyaasaddiisu dhexdhexaadka tahay ayaa sheegay in xisbiga midigta fog ee Sweden Democrats aysan lasoo dhisi doonin dowlad wadaag ah.

Xisbiga siyaasaddiisu dhexdhexaadka tahay wuxuu iclaamiyay inay dhisi doonaan dowlad wadaag, balse waxay ugu baaqeen Ra’isulwasaare Stefan Lofven oo ka tirsan xisbal xaakimka Social Democrat inuu iscasilo.

Hogaamiyaha xisbiga midigta ee Sweden Democrats Jimmie Akesson ayaa isaga oo la hadlayay taageerayaashiisa shaaciyay in ay soo hooyeen guul weyn, hadda kaddibna ay saameyn ku yeelan doonaan siyaasadda Sweden.

Sweden, ayaa ka mid ah dalalka ugu badan Yurub ee ay iska dhiibaan muhaajiriinta kasoo jeeda Bariga Dhexe, Africa iyo Koofurta Asia.

XS
SM
MD
LG